Dabley hubaysan oo ku dilay in ka badan 100 qof oo rayid ah bariga Burkina Faso
Kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garan ayaa in ka badan 100 qof oo rayid ah ku dilay weeraro kala duwan oo ay ku qaadeen tuulooyin ku yaalla bariga dalka Burkina Faso.
“Xasuuq ayaa loo geystay dadka rayidka ah ee Kpadiari, Nadiagou iyo Tindangou shalay” ayaa lagu yiri warbixin laga soo saaray dhacdadaan. Tirada dhimashada ayaa wararka qaar sheegayaan in ay gaarayso 130 qof.
Carruur iyo haween ayaa ka mid ah dadka la laayay kuwaas oo lagu eedeyay in ay gacan saar la leeyihiin kooxaha mutidiinta ah.
Dalka Burkina Faso ayaa waxaa dhawaanahan ka dhacayay dilal ay kooxo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxaha hubeysan ay u geysteen boqolaal qof oo rayid ah. Ciidamada Nabad Suggida ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inay geysteen dilal kala duwan.