Soomaaliya waxay Noqon kartaa sida Texas oo kale,, Wasiirka Batroolka iyo macdanta Soomaaliya
Houston (OWN) – Wasiirka Batroolka iyo macdanta Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa faallo uu ku qoray Wargeyska Houston Chronicle ee kasoo baxa magaalada Houston ee gobolka Texas ee dalka Mareykanka waxa uu ku sheegay in Soomaaliya ay Noqon karto Texas-ta cusub marka loo eego kheyraadka ku jira.
“Sheekada Soomaaliya dib ayaa loo qorayaa, Waxaana Mustaqbalka dalka astaan wanaagsan u ah shidaalkii laga helay Texas horraantii qarnigii 20-aad.” Ayuu wasiirka ku billaabaya faalladiisa.
“Shidaalka Texas waxa uu horumariyey dhaqaalihii, waxa uu keenay waxbarasho wanaagsan iyo maal-gelin lagu sameeyey kaabayaasha iyo isku xirayaasha gaadiidka. Tani waxay muujineysaa sida dalkeena u noqon karo mustaqbalka, haddii aan u maareyno si taxaddar leh.” Ayuu qoray wasiir Cabdirashiid.
Wasiirka ayaa sheegay in horumar laga sameynayo Soomaaliya oo ah dal dhul ahaan la eg gobolka Texas. Waxa uu xusay in dowladda ay dhowaan meel-marisay sharciga batroolka dalka, taasi oo bog cusub u ah taariikhda dalka.