Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo weerar afka ah ku qaaday Ra’iisal wasaarahe Maxamed Xuseen Rooble.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa weerar afka ah ku qaaday Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaaalka Maxamed Xuseen Rooble.
Lafta-gareen oo Baydhaba kula hadlayey xildhibaannada laga soo doortay degaankiisa oo uu isugu yeeray ayuu ku dooday in Ra’iisal wasaaraha uu dulmiyey, jidkana u taagan yahay, isgoo isbaaro u dhigtay xildhibaannada la hakiyey kuraastooda.
Wuxuu shegeay inuusan aqbalaynin dulmi u gaara beeshiisa oo sida uu yiri aysan la wadaagin Hawiye iyo Daarood, isagoo si shaqsi ah u weerarray Ra’iisal wasaare Maxaned Xuseen Rooble.
“Ra’iisal wasaaraha Shuruudihiisa waa ‘Hebel’ oo gurigiisa ka shaqeeya inaan xildhibaan uga dhigno, Annagana ma rabno inaan xildhibaan ka dhigno nin guri ka shaqeynayo ee waxaan rabnaa qof K/Galbeed Metelaya.. Haddii ay sidaas shaqeyneyso kuwii gurigaada ka shaqeynayey ee Boosaso laga soo diiday oo Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo laga soo diiday ayaad celin lahayd.. Annaga mana qasbi kartid wax aysan soomaali qabin korka nagama saari kartid” ayuu ydhi lafta-gareen” oo si kulul ula hadlay Ra’iisal wasaaraha.
Madaxweyaha K/Galbeed ayaa si qayaxan uga hadlay inuu yeeli lahaa hakinta lagu sameeyay kuraasta K/Galbeed haddii sidoo kale xildhibaanno Hawiye iyo Daarood ah, sidoo kale la hakin lahaa kuraastooda.
Lafta-gareen oo qaab qabyaaladeed u hadlayey ayaa sheegay in isbaaro qori wadata uu diiday isagoo 20 sano jir ah, hadda uu 50 sano jir yahay iyo madaxweynihii K/Galbeed-na aanu yeeli doonin Isbaaro.