Sirdoonka Reer Galbeedka Oo Bilo Ka Hor La Wadaagay Kenya Xogta Weerarkii Nairobi.

Nairobi-(OWN)-Xog cusub oo soo baxday ayaa sheegeysa in Sirdoonka Reer Galbeedka ay bilo ka hor ogaayeen weerarkii Talaadada lagu qaaday dhismo ku yaalla magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya.

Warbixin uu daabacay wargeyska The Guardian ayaa sheegeysa in Sirdoonka Reer Galbeedka ay dowladda Kenya la wadaageen xogta ku saabsan inuu weerar uga imaanayo dhinaca Al-Shabaab bilowga bisha 1aad ee sanadkan 2019.

Sirdoonka Reer Galbeedka ayaa ogaaday bishii November ee sanadkii hore in Al-Shabaab ay qorsheynayaan weeraro ay ku qaadaan Kenya, iyagoo durba xogtaas la wadaagay  laamaha Amaanka Kenya si looga feejignaado.

The Guardian ayaa sheegaya in Kenyanka ay ka dhego fureysteen fariimaha dhinaca amniga ee la soo gaarsiiyay taasoo dhalisay in galabnimadii Talaadada 4 ka mid ah Shabaab ay gudaha u galaan hoteelka DusitD2, halkaasna ay ka geysteen toogasho kadib qaraxyadii is xig xigay ee banaanka hoteelka ka dhacay.

Mid kamid ah Saraakiisha Sirdoonka Kenya ayaa u sheegay The Guardian iney heleen qorshaha weerarka ayna u diyaar garoobeen fashilintiisa, balse Shabaab ay beddeleen halka uu markii hore ahaa bartilmaameedka.

Sarkaal kale oo isaguna Sirdoonka Kenya kamid ah ayaa u sheegay Wakaalada Wararka ee AP iney ku wareereen wararka faraha badan ee soo dhacayay ee la xiriiray halka uu noqonayo bartilmaameedka.

Lix sano kaddib weerarkii Westage Mall, magaalada Nairobi, Talaadii 15­ka Janaayo 2019, Kenyanku waxay u ahayd maalin kale murugo leh, waxaana soo maray ku dhawaad 20 saacadood oo qaranka Kenya ma hadho ku reebi doonta.

Dhismaha la weeraray Talaadadii waxaa uu caan ku ahaa magaca 14 Riverside oo ka kooban Hoteelo, xafiisyo iyo Bankiyo, kana tirsan degmada Westlands ee galbeedka magaalada Nairobi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker