Madaxweynha Somaliya oo Guddoomiyay Shirka Golaha Amniga Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay Shirka Golaha Amniga Qaranka oo lagaga hadlay dardargalinta hawlgallada ka dhanka ah AL-Shabaab, dhammeystirka bixitaanka ATMIS, iyo diyaar garowga qorshaha howlgalka kooban ee lagu xaqiijinayo amniga  marka Somaliya ay ka baxaan ciidanka ATMIS .

Madaxweynaha oo dhageystay  warbixin ku saabsan qorshaha horumarinta amniga Somaliya, ayaa ku adkeeyay hay’aduha amniga in ay ka dhabeeyaan hirgelinta Habraaca Xakameynta Hubka iyo Rasaasta ee lagu maamulayo dalka, kaddib qaadistii cunaqabateynta hubka, waxa uuna tilmaamay in guusha laga soo hoyey qaadista cunaqabataynta hubka ay aas-aas u ahayd hirgelinta qorshaha ilaalinta saanadda iyo hubka Ciidamada Qalabka Sida

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker