Ciidamada Somaliya iyo Kuwa Dawlad Deeganka Somalida oo Iska Ka Shanay Ladagalna Alshabaab

Talyaha Ciidanka Somaliya, Janaraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa magaalada Ceelbarde ee Gobolka Bakool kula kulmay Saraakiil sare oo uu horkacayo talye ku xigeenka Ciidamada Liyuu Booliis ee hoos yimaada Maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay adkaynta amniga iyo sidii si midaysan la isaga kaashan lahaa weerarada Al-shabaab.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa isku afgartay sidii loo xoojin lahaa Ammaanka xuduudka oo Arbacadii weerar khasaare badan dhaliyay ku qaadeen dagaalameyaasha Al-shabaab.

Talye Odowaa, Xildhibaanno iyo Wasiiro ka tirsan Xukumadda Federaalka ayaa shalay gaaray Ceelbarde oo deegaanno u dhow ka dhacay dagaal xooggan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker