Abwaan Xasan Daahir Weedhsame oo ka hadlay Wiilka dhalinyarada ah ee ay Xidheen Police-ka Somaliland ka dib markuu ku labistay Dhar u eg Calanka Somalia

 

Hargeysa (Caasimada Online) ― Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) oo kamid ah hal-abuurka caanka ah ee reer Somaliland, ayaa ka hadlay xadhiga ay Ciidamada Somaliland ay kula kaceen wiil dhalinyaro ah oo ku labisnaa dhar calanka Soomaaliya .

Abwaan Weedhsame ayaa waxa kale oo uu ku baaqay in si mug leh loo baaro sababta xiligan oo 18-May u diyaar-garoowayan reer Somaliland keentay in wiil dhalinyaro ah uu calanka Soomaaliya ku labisto.

Abwaan Weedhsame ayaa arrintaasi kaga hadlay qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook, wuxuuna u dhignaa qoraalkiisu sidan:

“Adduunyada ma jiro qof miyir qaba oo sabab la’aan wax isaga sameeyaa. Sidaas darteed, wiilka calanka Soomaaliya soo xidhayna sababtuu u xidhay baa jirta.

 

Haddaad tidhaa “Maxaa adiga kaa quseeya ee aad ka raadinaysaa sababta uu u xidhay, saw xor maaha oo wuxuu doono ma xidhan karo?” Dabcan, Hadduu xor u yahay inu wuxu doono xidho, kolkaas dadweynuhuna saw xor uma aha inay iska dhex qabtaan qofka kasta oo ay doonaan?

Haddaad tidhaa “Halkaynu ku dhiganay Sharciga diidaya in la xidho calanka Soomaaliya?” jawaabta oo fududi waxay tahay: Halka aynu ku dhiganay sharciga inoo diiday in aynu bijaamaha lagu seexdo ku shaqo tagno, ayeynu kana ku dhiganay. Soo baadh goobta iyo goorta Sharciyadaasi aynu dhiganay!!!!.

Weliba waynu ognahay in aanu adduunka korkiisa jirin dal, dadkiisu leeyihiin xorriyad bilaa xad ah”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker