Maraykanka oo qirtay inay dad rayid ah ay ku dhinteen duqeymo uu ka fuliyey Soomaaliya
Militeriga Mareykanka ayaa qiray Jimcihii shalay in duqeyn ay ka fulisay diyaarad drone gudaha Soomaaliya sanadkii lasoo dhaafay ay ku dhinteen dad shacab ah.
War kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Africom ayaa lagu xaqiijiyayin labo qof oo rayid ahaa ay ku dhinteen weerarka oo la fuliyay bishii April ee sanadkii lasoo dhaafay 2018.
Agaasimaha howlgallada Mareykanka Major General Gregg Olson ayaa sheegay in duqeynta ay la eegteen gaari ay u maleeyeen inay la socdeen hogaamiyeyaal katirsan Al-Shabaab iyo dagaalyahano.
“Lama ogeyn in waqtiga howlgalka ay haweenay shacab ah iyo canug yar ay saarnaayeen gaariga,” ayuu yiri General Gregg, oo la hadlayay wariyeyaasha.
Waxuu sheegay in khasaarahan ay ku ogaadeen baaritaan ay sameeyeen oo uu hormuud u ahaa Taliyaha AFRICOM, Gen. Thomas Waldhauser, taasoo timid kadib warbixin ay dilka shacabka kasoo saartey Amnesty International.
Africom ma aysan sheegin halka rasmiga ah ee duqeynta ka dhacday, balse waxaa xusida mudan in inta badan weerarada diyaaradaha Mareykanka ay ka dhacaan Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Hoose.
Waa markii ugu horeysay mudo sanado ah oo Mareykanka uu qiro in howlgalkiisa Soomaaliya ay khasaarooyin kasoo gaareen dad shacab ah.