Netherlands: Maxkamad diiday in Israel laga iibiyo qalabka diyaaradaha F-35
Maxkamad ku taala dalka Netherlands ayaa soo saartey qaraar ay ku amreyso in dowladdu dhammaan joojiso qalabka dayactirka diyaaradaha dagaalka F-35 ee ay ka iibin jirtey Israel.
Maxkamadda ayaa sheegtay in ay walaac ka qabto in diyaaradahaas loo isticmaalay arrimo ka horimanaya shuruucda caalamiga ah.