Golaha Guurtida Somaliland oo ka Digay Urur ku dhex-milmay Saddexda Dhadhaar ee Dowladda

Hargeysa (OWN)- Mudaneyaal ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland, ayaa saluug ka muujiyey dood ay magaalada Hargeysa dhowaan ku qabatay Daladda ay ku midaysan Ururrada Bulshada Rayidka ah ee SONSAF.

Doodda oo shalay ku qabsoontay Hargeysa, kana qayb-galeen siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan ururrada bulshada rayidka ah, ayaa ku saabsanayn Qaabka sharci ee loo marayo Doorashada xildhibaannada Golaha Guurtida oo muddo-xileedkoodu ku egyahay sannadka 2023-ka, waxaana muddooyinkan dambe jiray doodo layska weydiinayo sida ay isu-waafayaan qaabkii hore loogu soo xulay oo hab-beeleed ku salaysnaa iyo qaabka Doorasho ee la qorsheeyey maadaama Golahani yahay gole qayb laxaad leh ka soo qaatay aasaaskii Somaliland iyo nabadgelyada lagu badhaadhay ee ka hana-qaaday Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker