Nin doonayay inuu gubo Xaaskiisa iyo Caruurtiisa oo lagu qabtay degmada Afgooye
Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in saakay ciidamada amaanka degmadaas ay gacanta ku dhigeen nin la sheegay inuu doonayay inuu gubo Xaaskiisa iyo Caruurtiisa.
Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraahin Barre ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay ninkaan isagoo qorsheynayay inuu gubo Xaaskiisa iyo Caruurtiisa, islamarkaana watay Basiin iyo Taraq.
Guddoomiye Barre ayaa sidoo kale sheegay in falkaan ka hortagiisa ay ka shaqeeyeen dadka shacabka ah oo si deg deg ah ula soo xiriiray ciidamada amaanka degmada Afgooye, isagoona ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo waxyaabaha isku soo beegay falalkaan iyo falalkii ka horeeyay ee ka dhacay Muqdisho iyo Qoryooleey ee labo nin midna Xaaskiisii ku gubay midna uu Tooreey ku dilay.
“Waxaan ku talinayaa in baaritaan lagu sameeyo falalkan iyo cidda ka dambeysa, annaga haddii aan nahay maamulka Shabeelaha Hoose arrintaas waan bilaabeynaa, baaritaankeedana waa socdaa. Dhacdooyinka way soo bateen marka Ummadda wacyigelin aad iyo aad u wayn ayay u baahan tahay, culimada inay u istaagaan arrintaasna wax laga qabto” ayuu yiri guddoomiye Barre.
Todobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii nin lagu Magacaabo Sayid Cali Macalin Daa’uud uu Muqdisho ku gubay Xaaskiisii oo lagu magacaabo jiray Luul Cabdicasiis oo xaamilo aheyd, islamarkaana baxsaday oo ay baadi goobayaan ciidamada amaanka.
Sidaas oo kale isla todobaadkaas waxaa Qoryooleey lagu dilay Tooreey Fowsiya Muxsin oo uu dilay ninkeedii oo lagu magacaabo Saleemaan Xaaji Cabdi kaasoo haatan ku jira gacanta dowladda, waxaana dhacdooyinkaas si weyn uga xumaaday guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.