In ka badan 20 bukaan oo dhaawacyo halis qaba ayaa la dawaynayaa
24 bukaan oo si xun u dhaawacmay kuwaas oo in ka badan 60% jirkooda uu gubtay “waxaa loo wareejiyay isbitaallo waaweyn si loogu daryeelo oo ay u dabiibaan dhaqaatiir takhasus gaar ah”, sida ay shegeen masuuliyiinta.
Todobo iyo toban qof ayaa loo gudbiyay cisbitaalka waxbarashada ee jaamacadda Kenyatta halka todobada kalena loo gudbiyay isbitaalka qaranka ee Kenyatta, sida ay sheegeen maamulka ismaamulka Nairobi.
In ka badan 160 qof oo badbaaday ayaa ilaa hadda la fasaxay ka dib markii lagu daweeyay isbitaallada magaalada oo loo arkayay in xaaladdooda ay wanaagsan tahay.
Dab xoog leh oo ka dhashay qarax uu sababay gaaska cunnada lagu karsado ayaa keenay dhaawaca ilaa 300 oo qof sida bisha cas ee Kenya ay ku soo warramayso.