Shir Guddoonka Labada Gole oo Shir u Furmay
Shir-gudoonka golayaasha Wakiilada iyo Guurtida ayaa hadda kulan ku leh xafiiska Gudoomiyaha golaha guurtida.
Xildhibaan Axmed Daahir Jirde oo ka mid ah Mudanayaasha dhex dhexaadinta ka dhex waday labada shir-gudoon ee Baarlamaanka ayaa hadda Warbaahinta u sheegay inay meel fiican hawluhu marayaan, kulankii labada dhinaca si toos ah u bailaabmay.
Xildhibaanka ayaa shacabka Somaliland u sheegay inay ka war sugaan arrintaasi, oo uu sheegay inuu war wanaagsan ka soo baxayo.