Madaxweynaha Somaliya oo Kulan la Qaatay Dhigiisa Masar
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar Cabdulfataax Al-siisi.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay amniga iyo istaraatiijadda Carbeed ee Badda Cas, xaaladda gobolka, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo xoojinta iskaashiga faca-weyn ee ka dhexeeya Labada shacab ee walaalaha ah.