Daawo: Falanqaynta Ciyaaraha Arsenal vs Manchester United – Rikoodhada Labada Kooxood, Mikel Arteta Iyo Solakjaer Oo Foodda Is Gelinaya,
Arsenal iyo Manchester United ayaa xafiiltankooda sannadka 2020 maanta ka furanaya garoonka Emirates, halkaas oo Red Devils ay safar ugu tagtay Gunners.
Arsenal oo guul-darro kusoo dhamaysatay kulankii ugu dambeeyey ee sannadkii hore ayaa waxay qaabilaysaa United oo guul kusoo xidhatay sannadka tegay, waxaana ciyaartoodu ay unki doontaa hadal-haynta ka bilaabmaysa tirsiga tobanka sannadood la iskugu xidho ee milicsiga lagu sameeyo bandhigyadooda iyo natiijooyinka ka dhasha kulamadooda tobankii sanadoodba hal mar.
Labada kooxood oo figta ugu sarraysa ee horyaalka Premier League iyo dhamaan tartamada soo taagnaa bilowgii 1990-meeyadii illaa dhamaadka 2000s, ayaa waxa ku habsaday hoos u dhac yaab leh oo ay kusoo noqon kari la’yihiin halkii looga bartay ee ahaa inay iyagu ku hirdamaan koobabka iyo tartamada kala duwan ee gudaha waddanka Ingiriiska.
Solskjaer iyo Mikel Arteta oo waqtiyadii ay kala xidhnaayeen funaanadaha labadan kooxood ee ay ciyaartoyga ahaayeen xilliyada qaarkood soo xafiiltamay, waxay aqoon fiican u leeyihiin sal illaa baar xogta kooxahooda, mana jiro mid ay cidi uga sheekaynayso loollankii adkaa ee dhimashada oo kale ahaa ee marka ay garoonka iskugu yimaaddaan ay iskala hor iman jireen.
WARARKAAS OO FAAHFAAHSAN HALKAN HOOSE KA DAAWO: