Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku baaqay shir madaxeed ay isugu yimaadaan dalalka xubnaha ka ah ururka IGAD, kaas oo looga hadlayo qodobo ay ka mid yihiin xiisadda u dahxeeysa dowladaha Somaliya iyo Itoobiya, iyo weliba colaadda dalka sudan. Shirka ayaa ku soo beegmayo xilli ay taagan tahay xiisad ka dhalatay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee dhex maray Itoobiya iyo jamhuuriyadda gooni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland.