Rag Ajaanib Ah Oo Saaka Lagu Xidhay Magaalada Hargeysa

Wararka  Magaalada Hargeysa   ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saaka xabsi ku yaalla lagu xidhay Sagaal Nin oo Ajaanib ah, kuwaasi oo u dhashay  dalka Imaaraadka Carabta..

 

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland ayaa Garoonka diyaaradah Hargeysa ku qabtay raggan oo doonayay inay ka dhoofaan Garoonka, iyagoo kusii jeeday Imaraadka, waxaana lagu xidhay Xabsi ku yaalla Hargeysa.

 

Raggan ajaanibta ah   waxaa lagu eedeeyay in si sharcidarro ay u ugaadhsanayeen duur-joogta ku nool deegaanada Somaliland.

 

Dadka deegaanka Degmada Sabo-wanaag ee ka tirsan Gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland ayaa sheegay in raggan markii horey ay u sheegeen inay u fulinayaan mashaariic, hayeeshee markii dambe la ogaaday inay ugaarsi sharci darro ah ka wadeen deegaanadaas.

 

Agaasimaha Duur joogta ee Wasaaradda Deegaanka Somaliland Naasir Xuseen ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey xariga Sagaalka Nin ee u dhashay wadanka Imaaraadka Carabta e sida sharci darrada ah uga ugaadhsanayey deegaano ka tirsan Somaliland, kuwaas oo uu sheegay in sharciga la marsiin doono.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker