Ciidamo ka Amar qaata Madaxwaynaha Jubaland Oo la Wareegay Ammaanka Kismaayo
Ciidamo la sheegay inay daacad u yihiin Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta la wareegay guud ahaan Amniga magaalada Kismaayo.
Magaalada Kismaayo oo lagu wado in dhowaan ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Jubbaland ayaa hay’adaha amniga maamulkaas ay sheegeen inay amaanka si weyn u xaqiijin doonaan.
Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa waxaa saaka lagu arkayay wadooyinka waaweyn ee Magzalada Kismaayo & Xaafadaha qaar,sidoo kale waxaa ciidamadan ay la wareegeen ammaanka garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.
Dhowaan ayaa maamulka Axmed Madoobe waxa ay ka mamnuuceen magaalada Kismaayo mas’uuliyiin ka socota dowlada federelka.