Mas’uuliyiintii Dowladda Somalia Ee Lagu Xanibay Kenya Oo Dib Loogu Soo Celiyay Muqdisho Iyo Dawladda Kenya Oo Ka Hadashay

Waxaa saaka Magaalada Muqdisho dib loogu soo celiyay Wasiir Ku xigeen ka tirsan Xukuumadda Somaliya & laba Senator oo Aqalka Sare ka mid ah, kadib muddo 15-saacadood oo ay ku xanibnaayeen Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta ee dalka Kenya.

Dowladda Kenya ayaa masuuliyiintaan u diiday inay ugu dhufato Viisaha dal ku galka, waxaana ay wateen xubnahan Baasaboorka Diblumaasiga, lama oga sababta Kenya ay ugu diiday.

 

Xalay masuuliyiintaan waxa ay ku hooydeen Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta, waxaana saaka ay soo raaceen diyaarad u soo socotay Magaalada Muqdisho.

 

Saddexda masuul ee dib loogu soo celiyay Muqdisho, ayaa waxa ay kala yihiin Wasiir Ku xigeenka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya Cusmaan Libaax iyo labada Senator ee kala ah Senator Ilyaas Cali Xasan iyo Senator Zamzam Dahir.

Dhinaca kale Dawladda Kenya ayaa ka hadashay   Sababta ay  mas’uuliyiinta ay dib ugu soo celiyeen Muqdisho iyaga oo aan gudaha u galin Nairobi ayaa lagu sheegay in laga rabay fiisaha dal ku galka inay kaga soo qaataan safaaradda Kenya ay ku leedahay magaalada Muqdisho,sida uu ku warramay wargeyska Daily Nation oo xigtay saraakiil ka tirsan Waaxda socdaalka dalka Kenya oo magacooda qariyay.
Dawladda Kenya ayaa  sheegay inay  dowladda Soomaaliya ay ku wargaliyeen inuu dhacay is beddel cusub oo dhinaca socdaalka ah, taasoo keentay in xubnaha dowladda Soomaaliya la faro inay dib ugu laabtaan Muqdisho, ayna tagaan safaaradda Kenya ee magaalada Muqdisho.

Illaa hadda ma jirto dowladda Somaliya wax war ah oo ka soo baxay oo ku aadan falka dowladda Kenya ay kula kacday masuuliyiintaan ka tirsan Dowladda Federalka Somaliya.

 

Arrintaan ayaa ku soo aadeysa, xilli shalay Xubnaha Golaha Shacabka Somaliya ay ansixiyeen Sharciga Batroolka dalka, waxaana go’aanka Kenya ay ku diideen dalkeeda inay galaan masuuliyiintaan uu noqday mid soo boodo ah oo saan saantiisa horay aysan u sii muuqan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker