Caqligii La Tixgalin Waayey Iyo Qoomamadii Ka Dhalatay:

phillip carrel wuxu ahaa xoghayaha xafiiska (Cheif secretray) Ee ingiriiska u fadhiyey maxmiyadii  gumaystaha ingiriiska Ee somaliland, wuxu soo xaadiray oo goob joog uu ahaa dood kulul oo 6 April 1960-kii ka dhex socotay baarlamaankii sharci dejinta ee somaliland doodaas oo ku saabsanayd (xornimo iyo midnimo) ay ku baaqeen dhamaanba xubnihii baarlamaanka s/land.

Ugu horeyn xildhibaanada somaliland ee goobtaa joogay waxay doonayeen inay wada dhacaan xornimada maxmiyadii ingiriiska (British somaliland Protectrate) Iyo midnimo ay la qaataan soomalida koonfur ee Talyaanigu haystay( Italian somaliland).

Ragii goobtaa ka hadlay kuwii ugu foolaadsanaa ugu hadalo cadcadaa Waxa kamid ahaa:

-xil. Ibraahim cismaan food (Basbaas) oo ka tirsanaa xisbiga SNL
-Xil.xaaji Ibraahin nuur Oo ka tirsanaa Xisbiga USP.
-Xil. macheal mariano oo ka tirsanaa Xisbigii NUF.

Ragaa iyo kuwo kale oo badan oo goobtaa ka hadlay waxay ku doodeen in xornimo iyo midnimo lays raaciyo oo aan sinnaba loo kala reebi karin Wax shardiyana aan lagu xidhin.

Hadaba phillip carrel oo ka fikir duwanaa dhamaantood ayaa maalintaa yidhi (shaki igagama jiro in dadka somaliland ku nooli ay doonayaan inay somalia la midoobaan waxaanan hubaa in dawllada ingiriisku idinka taageeri doonto himiladiina).

Waxaan arkayaa in jibo badani idin hayso oo bilihii u dambeeyey aad doonayseen midnimo dhacda 1 luulyo waxaan idin kula talin lahaa in aydaan degdegin oo Arimaha u meel daydaan oo aad eegtaan arimahan hoos ku xardhan.
Iima muuqato wada hadal labada dal somaliland iyo somalia wada yeesheen waxaad u baahan tihiin in aad ka heshiisaan intaydaan midoobin:

-Distoorka dalku yeelanayo
-Afka rasmiga ah ee dalka yeelanayo waayo qolana ingiriis baa haystay qolana talyaani.
-Habka cashuuraha loo qaadayo
-Lacagta dalka yeelanayo ee la isticmaalayo tay noqonayso.
-Mushaharaadka shaqaalaha. waxaas oo idili waxay u baahan yihiin heshiis aad ka gashaan ka hor inta aydaan midoobin.

Intaaba si indho la’aana ayaa looga talaabsaday loona qiimayn waayey aragtidii fogeyd ee phillip carrel sanad kadib waxaa dhacay wixii dhacay ee ahaa dal la’aan iyo dawlad la’aanta ilaa maanta aan dambarkeeda dheefsanayno.

Abwaan Cali sugule cigaal (Duncarbeed) alle ha u naxariistee Wuxu ahaa ragii ugu horeeyey ee arkay halka caynku ka leexday wuxu ku dhiiraday inu suugaan macaan badan kusoo tebiyo Hilaacii inoo baxay Ee lagu hungoobay.
Abwaanka oo curiyey Heestan ayaa Tilmaqmayaa Hilaaca lugooyo Ee meesha dheer uga iftiimay gobolada waqooyi ee kusoo idlaaday Wax la’aanta.
waxaana Heestaa Ereyadeedii kamid ahaa:

-Laacayoo Hinqaday
-Hir baa hilaacayoo hinqaday
-Hilaac baa ii baxoo handaday
-Hadana Waayoo hakaday.

W/Q: cabdirisaaq Darwiish

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker