Wasaradda Hawlaha Guud oo War Ka Soo Saartay Khilaafka U Dhaxeeya Iyada Iyo Dawalda Hoose ee Hargeysa
Waxa maalmaahan warbaahinta Somliland ka socday Dood, Xubno ka tirsan Golaha Deegaanka Caasimadda hargeysa ee Somaliland, kuwaas oo ay kasoo butaacaysay aragtida kala qaybinta, iyo cuqdadaynta Bulshadda Somaliland, doodahaas oo sinaba uwaafaqsanayn Xeerarka Dalka iyo Dawladdimadda Somaliland.
Sidaas-darteed waxay Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeyntu halkan ugu cadaynaysaa Bulsho-weynta Somaliland. Qodobadan Hoose ku Xusan
Si waafaqsan Qodobka 23aad Farqadda 2aad ee Xeerka is Maamulka Goboladda iyo Degmooyinka, Mudanayaasha Golayaasha Deegaanka Xil gudashadoodu waa tabaruc mana yeelanayaan hawl maalmeed joogto ah marka laga reebo Guddiga Fulinta iyo Guddiga Joogtada ah.
Ma jiro khilaaf ku saabsan Xadaynta Nidaamka Xukumadda oo ka dhexeeya Guddiga Fulinta Dawladda Hoose iyo Wasaaradda Hawlaha Guud,,Dhulka iyo Guriyeynta oo la xidhiidhaa Suuqa Waheen
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeyntu si waafaqsan Xeerka kala Xadaynta Nidaamka Xukuumadda iyo Hay’adaha Madaxa Bannaan Xeer Lr. 71/2015 Qodobka 34 Farqadda (6) Wasaaradda Hawlaha Guud Dhulka iyo Guriyeynta ayaa leh xadidaada halbeegyada Dhismaha iyo kormeerka Dhismaha, si looga badbaadiyo muwaadinka halista dhismaha kaga iman karta.
Sida ku cad Qodobka 30aad Farqadda (6) ee Xeer-nidaamiyaha Dhismaha Wasaaradaha iyo Hay’adaha Xukuumadda ee Xeer Nidaamiye Lr.01/2018
Wasaaradda ayaa iska leh Kormeerka iyo isku duwidda wax qabadyada Dawladaha Hoose ee la xidhiidha Dhulka iyo Dhismaha.
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ayaa Qorshaysay Dhismaha Saddexda Hangar ee Khudaarta Suuqyadda Gobonimo, iyo Sariibadda ee Suuqa Ahmed Dhagax ee Hargeisa, isla markaana fulisay kormeerka Suuqyadda waxaana ku baxay lacag dhan $ 202898.79 kuna wareejisay Dawladda Hoose ee Hargeisa.
Dhismaha Suuqa Waaheen waxaa lagu dhisayaa tallo Qaran, iyadoo Wasaaradu soo ururisay dhamaan Enigeerada Dalka ee lagu tuhmayey waayo aragnimo iyo aqoon. Enigeeradaas waxay Naqshadeyn doonaan qaabka ay noqon doonaan Dhamaan Suuqyada Dalku, waxayna la shaqeyn doonaa Dhamaan Golayaasha Deegaanka, iyadoo ugu horeysiinayaan Suuqa Waaheen, Wasaaradda Hawlaha Guud waxa Injineeradaa kaga jira Hal Xubin Halka Dawladda Hoosena Kaga Jirto Hal Xubin.
Sidaas-darteed, waxaa leenahay Xubnaha Golaha Deegaanka ee Hargeisa ee Curfiga iyo Kala qaybinta Bulshadu madax-martay masiibadda Suuqa-waaheen fidmo uma baahnaa ee Xal iyo midnimo bulsho ayaa loo baahan yahay.
Ugu Danbayn.
Tiyaatarka Hargeisa iyo Parking Area, wuxuu ka mid yahay Hantida Maguurtadda ah ee Dawladda Dhexe, Wassaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ayaa leh Masuuliyadda Maamulka Hantidda Ma Guurtadda ah sida ku cad Xeerka kala Xadaynta Nidaamka Xukuumadda iyo Hay’adaha Madaxa Bannaan Xeer Lr. 71/2015 Qodobka 34 farqadda 4aad, iyo Xeer-nidaamiyaha Dhismaha Wasaaradaha iyo Hay’adaha Xukuumadda ee Xeer Nidaamiye Lr.01/2018 30aad farqadda (7) ee Diiwaangalinta iyo Maamulidda Hantida Maguurtada ah ee Xukuumadda,
Sidaa awgeed, ma jirto meel Dawladdaha Hoose ee Somaliland ku leeyihiin maamulidda Hantida Ma guurtadda ee Dawladda dhexe,
Sidaas-darteed Wasaaradda hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ayaa kala xisaabtami doonta Kiraystaha Tiyaatarka Hargeisa xad-gudubka u ku sameeyay Wasaaradda Hawlaha guud, Dhulka iyo Guriyeynta Somaliland si waafaqsan shuruucda iyo xeerarka Dalka iyo sheegashada Hantida Qaranka.
ALLA MAHAD LEH
C/raxmaan C/laahi Wirdaani
Agaasimaha Warbaahinta Iyo Xidhiidhka
Goboladd Ee WHG/DH & Guryeynta JSL