Mucjiso: Madaxweyne La Doortay oo Walaalkiina ka Dhigtay Raiisul wasaare .

Madaxweynaha dhawaan loo doortay dalka Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa, ayaa walaalkii Mahinda u magacaabay Ra’isul Wasaaraha cusub ee dalkaasi, arintaasoo dad badan ka yaabisay.

Doorashada Madaxtinimada ee ka dhacday dalka Sri Lanka waxaa u tartamay ilaa 35 musharax waana doorashadii Saddexaad tan iyo 2009-kii markii uu dhammaaday dagaalkii sokeeye ee dalkaasi ka socday muddo tobanaan sano ah.

Madaxweynaha cusub ee Sri Lanka oo lagu wado in Khamiista Xilka loo dhaariyo, Waxaanuu Xilka kala Wareegi doonaa Tanil Rajapaksa oo Xisbigiisa si weyn looga guuleystay doorashadii toddobaadki hore dalkaasi ka dhacday.

Labada nin ee walaalaha ah ayaa ah kuwo door weyn ku lahaa soo afjaridda dagaalkii Sokeeya oo ku dhawaad 20 sano ka socday dalkaasi oo soo gabagaboobay 10 sano ka hor oo ay dowladda Sri Lanka kula jirtay maleeshiyada jabhadii Tamil Tigers.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker