Cashuur bixin: Gar mise gardarro!
Bixinta cashuurtu, waa wajib saaran qofkasta oo muwaadin ah, intii tahli karta. bixinta cashuurtu waxa ay faa’iido u leedahay, heerarka kala duwan ee horumarinta umadeed.
Ujeedada cashuuraha, ayaa ah in dawladu ay ku qabato waxqabadyada hoos ku xusan:-
• Maalgelinta kaabayaasha bulshada(Funding of public infrastructure)
• Mashaariicda hormarinta iyo samafalka(Development and welfare projects)
• Kharashaadka difaaca
• Caymiska dadweynaha
• Mushaharka shaqaalaha dawladda iyo dawladda.
• Nidaamyada howl-gabnimada(Pension schemes)
• Dhaqangelinta sharciga(Law enforcement)
• Caafimaadka dadweynaha
• Waxbarashada dadweynaha iyo
• Adeegyada bulshada sida; biyaha, tamarta, iyo nidaamyada maaraynta qashinka(waste management systems)
Dhamaan qodobada kor ku xusan waa wixii ay xaq u lahayeen cashuur bixiyayaasha dulmani. hase ahaa tee, midna sidii ay ahayd looma fulin.
Bulshada reer somaliland waa bulsho aad u gacan furan, oo aan ka hagran madax-dooda oo aan damiir, dadnimo iyo diir naxatoona ku oolin ee dadkii wax u dhiibtay, mushahar, mansab, magac, meeqaam iyo maalba siiyey, garan waayey in ay haba yaraatee wuxuun ku celiyaan!. Yaaab iyo afkala-qaad!.
Waxaan maqli jiray “doqoni qiiq kama kacdee daamam kay meer-meerisaa” maah-maah hore.
W.Q. xamse Cabdi Maxamed