Dalka Hindiya Haweeney ku Guulaysatay inay Soo Saarto Qalabkii ugu horreeyay ee Lagu Baadho Xanuunka Coronavirus

Hindiya ayaa lagu cambaareeyay Taariikhda ay u leedahay taya xumada dhanka baadhitaanka dadka, xilli dagaal lagula jiro coronavirus. Taas ayaa si kastaba haatan isbeddel lagu sameeyay, waxaana mahaddaas inta badan iska leh Saynisyahanad ku takhasustay fayrasyada, oo la timid mashruuc qalabka baadhitaanka ah, saacado kahor inta aysan dhalin.

 

 

Khamiistii, qalabkii ugu horreeyay ee Baadhitaanka dadka ee Hindiya lagu sameeyo ayaa gaadhay suuqyada dalkaas, taas oo dhalisay rajo ah in la kordhiyo baadhitaanka bukaannada qaba calaamadaha hargabka si looga baadho xanuunka Covid-19.

 

Shirkadda Mylab Discovery, oo ku taalla magaalada galbeedka Hindiya ku taalla ee Pune, ayaa Noqotay shirkaddii ugu horreysay ee si buuxda loogu oggolaado soo saaridda iyo iibinta qalabka baadhitaanka. Waxay toddobaadkan 150-kii xabo ee ugu horreeyay geysay sheybaadhada ku yaalla  Magaalooyinka Pune, Mumbai, Delhi, Goa iyo Bengaluru (Bangalore).

 

“Waaxdeenna wax soo saarka… waxay ka shaqeyneysaa xirmada xigta ee qalabka inay qeybiso Isniinta,” ayuu yidhi Dr Gautam Wankhede, oo ah Agaasimaha Mylab ee Arrimaha caafimaadka.

 

Shirkaddan oo sidoo kale sameysa qalabka baadhitaanka ee HIV iyo Hepatitis B iyo C, iyo cudurro kale, ayaa sheegtay inay soo saari karto ilaa 100,000 oo qalabka baadhitaanka xanuunka Covid-19 ah toddobaadkiiba iyo ka badan haddii loo baahdo.

 

 

Qalabka Mylab ayaa lagu baardhi karaa ilaa 100 kiis waxaana la iibiyaa 1,200 rupees ($16; £13) -waa lacag yar marka loo eego inta Hindiya kaga bixi jirta soo dhoofinta qalabkaas.

Saynisyahannadda, ayaa qalabka keentay kaddibna dhashay.

 

 

“Qalabkeenna wuxuu Natiijada ku soo saaraa labo saac iyo bar halka qalabka la soo dhoofiyo ay qaataan lix ilaa toddoba saacadood,” ayay tidhi saynisyahanad Minal Dakhave Bhosale, oo ah madaxa baadhitaanka iyo horumarinta ee Mylab.

 

 

Ms Bhosale, oo madax u ahayd kooxda sameyneysay qalabka baadhitaanka coronavirus ee lagu magacaabo Patho Detect, ayaa sheegtay in lagu sameeyay lix toddobaad gudahood, intii lagu sameyn lahaa saddex ilaa afar bilood.

 

Saynisyahannadda ayaa toddobaadkii la soo dhaafay dhashay gabar, waxayna shaqada mashruuca bilowday bishii February, kaddib markii ay isbitaalka ka baxday xaalado caafimaad oo dhanka uurka la xiriiray dartood.

 

 

 

“Degdeg ayay ahayd, marka waan isku dhibay. Waa inaan dalkeyga u adeegaa,” ayya tiri, iyadoo intaas ku dartay in kooxdeeda oo 10 ka koobneyd ay aad u shaqeeyeen si mashruucu uu u guuleysto.

Ugu dambeyn, waxay qalabka u gudbisay Machadka baaritaanka fayrasyada ee (NIV) 18-kii March, maalin kahor inta aysan dhalin.

 

 

Isla fiidnimadaas, saacad kahor inta aad isbitaal loo qaadin si loogu sameeyo qalliinka dhalitaanka, waxay sheegtay in mashruuca ay u gudbisay hay`adda FDA iyo waaxda dawooyinka iyo xakameynta ee CDSCO si oggolaasho ganacsi loo siiyo.

 

 

“Waqtiga ayaa na hayay,” ayay tiri Dr Wankhede. “Sumcaddeenna ayay arrintu saameyneysa, wax walba inaan degdeg u sameyno ayay ahayd, Minal ayaana dadaalkeenna majaraha u haysay.”

 

 

Kahor inta aysan qalabkaasi gudbin si loo qiimeeyo, kooxda ayaa dhowr jeer baaritaan ku sameysay.

“Haddii aad toban jeer isla hal kiis ku sameyso baaritaan, natiijadu waa inay isku mid noqotaa,” ayay tiri Ms Bhosale. “Taasna waan ku guuleysannay. Qalabkeennu wuu fiicnaa.”

 

 

 

Guddiga Baaritaanka Caafimaadka ee ay dowladdu maamusho ee (ICMR), ayaa taas ku raacay. Wuxuu guddigu sheegay in Mylab ay tahay shirkadda keliya ee Hindiya eek u guuleysatay natiijada 100%.

 

 

‘Habacsanaanta ka jirta waaxda caafimaadka Hindiya’

 

 

 

Hindiya waxaa lagu eedeeyay inaysan sameyn baaritaan ku filan. Waa dalka ugu hooseeya dunida dhanka baaritaanka cudurrada.

Markii hore Hindiya waxay ku adkeysatay baaritaanka keliya dadka u safray dalalka uu sida ba`an uga jiro fayraska amaba dadka la xiriiray qof qaba fayraska, ama shaqaalaha caafimaadka ee la tacaalaya bukaannada coronavirus. Waxay markii dambe sheegtay in dadka la geeyo isbitaalka ee lagu arko xanuunnada neefmareenka sidoo kale la baadho.

 

 

 

Hindiya waxay si adag ula socotaa xaaladda dadka laga baaray Cudurka Coronavirus

Maalmihii la soo dhaafay, Hindiya ayaa sare u qaadday baaritaanka. Markii hore keliya hal sheybaar ayaa loo oggolaa inuu sameeyo baaritaanka coronavirus, balse haatan dhowr sheybaar oo si gaar ah loo leeyahay ayaa sidoo kale sameeya baadhitaanka.

 

 

In sare loo qaado baaritaanka ayaa ah caawinaad weyn, balse khubarrada ayaa sheegaya in habacsanaan ay ka jirto waaxda caafimaadka Hindiya, taasna loo baahan yahay in a xalliyo si wax looga qabto khatarta sii kordheysa ee coronavirus.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker