Beesha Caalamka oo Warka soo saartay Kulankii dhexmaray Madaxwaynayaasha Somalia iyo Kenya
Muqdisho (OWN) โ Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka ayaa soo dhoweeyey Qodobadii ay isku raaceen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta, oo kulan ku yeeshay magaalada Nairobi, 14-kii November.
Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in dib loo soo celiyo Xidhiidhka labada dal, la fududeeyo isu-socdaalka labada shacab, dibna loo soo celiyo dulimaadyada tooska ah ee Nayroobi iyo Muqdisho, iyadoo masuuliyiinta iyo Shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda ay dal-ku-galka Kenya ka qadaanayaan Garoomada diyaaradaha ee dalkaasi.
Qoraalka kasoo baxay beesha caalamka oo lasoo gaadhsiiyey Oodwaynemedia ayaa Heshiiska labada dhinac ku qeexay โtalaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka deris wanaagga labada dal.โ Ayaa lagu yidhi warbixibta.
โWaxaan Bogaadineynaa dadaalka shakhsi ee ay sameeyeen labada Madaxweyneย si ay u Hagaajiyaan Xidhiidhka Soomaaliya iyo Kenya,โ ayaa lagu yidhi qoraalka.
โWaxaan qiimeyneynaa faaโiida labada dhinac ah ee Soomaaliya ugu jirta Xidhiidhka wanaagsan eeย ay la yeelato dalalka deriska la ah, taasi oo gacan ka gaysaneysa baraaraha dadkeeda, islamarkaana saameyn wanaagsan ku leh amniga iyo horumarkii guud ee Geeska Afrika.โ
Dhabnka kalena Saaxiibadaย Soomaaliya ee caalamka ayaa sheegay inay hadda Sugayaan in la fuliyo tallaabooyinkii ay isku raaceen labada madaxweyne, si sare loogu qaado Xidhiidhka Kenya iyo Somalia.
Hadabaย Xubnaha sida wadajirka ah usoo saaray qoraalkan ayaa kala ah:ย AMISOM, Denmark, Egypt, Ethiopia, Midowga Yurub, Finland, France, Germany, IGAD, Italy, Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Sweden, Turkey, Uganda, United Kingdom, UNSOM, iyo Mareykanka.