Sababta beeraleydaan ay u iibinayaan kelyahooda, beerkooda iyo indhahooda
Qaar ka mid ah beeraleyda dalka Hindiya ayaa waxaa soo wajahay dhibaatooyin is biirsaday sida roob laโaan, kuleyl dhaqaale laโaan, dhulkii oo angagay iyo daymo dalku qaatay oo saameyn ku yeeshay nolosha dadka.
Culeysyadaan dhanka nolosha ah ayaa keeny in war la yaableh uu ka soo yeero dadka noloshoodu ku tiirsantahay beeraha.
Sannadkan, in ka badan kala bar dalagga ayaa engegay, dalagga soo harayna waxa saameeyay kuleylka, taasina waxay keentay in dakhligu hoos u dhaco.
Warqad ay beeralaydaan u direen masโuuliyiinta dowladda ee tuulada Goregaon ee magaalada Mumbai, ayaa waxaa ay ku ogeysiiyeen in ay iibinayaan xubno ka mid ah jirkooda sida kelyahooda, beerka iyo indhaha.
Beeralaydaas oo hadlayay ayaa yiri, โWaxa aanu ku iibinaynaa xubnahayaga qiimo jaban 75,000 toban kelyood, 90,000 beerka, 25,000 oo indhood, waxaanu ka codsanaynaa dawladda inay soo iibiso oo ay naga caawiso dhibaatada na haysata,โ
Lacagtaan ay sheegeen in ay ku iibinayaan xubnaha muhiimka ah ee jirkooda ayaa ah lacagta dalka Hindiya.
Xaaladda beeraleyda ayaa meel adag maraysa waxaana la sheegayaa in guudahaan beerlayda Hindiya ay isku mid yihiin.