Dad Ku Geeriyooday Dhisme Dabaq Oo Ku Burburay Dalka Masar
Afar Haween ah ayaa la sheegtay inay ku geeriyoodeen Dhismo 5 dabaq ah oo ku burburay magaalladda Aleskandariya ee Waqooyiga dalka Masar.
Sarkaal Amaanka ayaa sheegay inay shaqaalaha Gurmadka soo badbaadiyeen 4 qof oo mid ka mid ah uu dhaawacmay.
Dhismaha burburay ayaa la sheegay inuu ahaa mid xilli horey la dhisay, iyadoo ay Dowladda Hoose ee magaalladda Aleskandariya horey u amartay in la dumiyo Dhismahaasi sanadkii 2018-kii.
Inta badan Dhismayaasha ku yaalla bartamaha magaallooyinka Qaahira iyo leskandariya ayaa ah kuwo la dhisay qarnigii 19-aad ama bilowga Qarnigan 20-aad.
https://www.youtube.com/watch?v=EI2J4X_YXz4