Madax-dhaqameed Jooga Hargeysa Oo Hambalyeeyay Madaxweyne Farmaajo Iyo Sababta

Boqor Axmed Iimaan Warsame oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ku hambalyeeyay door uu sheegay inuu ka qaatay Daaweynta Abwaan Baarleex oo loo qaaday Dalka Hindiya, halkaas oo uu markii dambe ku Geeriyooday.

 

Boqor Axmed Iimaan Warsame ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo ka qayb-qaatay in Caafimaad ahaan Hindiya loo geeyo Abwaan Baarleex, wallow markii dambe uu Abwaanku halkaa ku Geeriyooday isla-markaana lagu aasay Magaalada Hargeysa oo markii dambe Meydkiisa la keenay.

 

Boqorku waxa kale oo uu ka hadlay Saamiga ay Beelaha Gabooye ku leeyihiin Laamaha Dawladda Somaliland oo uu sheegay in aanay wax muuqda ku lahayn, halka buu yidhi deegaannada kale ee Soomaalida ay ku leeyihiin Xildhibaanno, Wasiirro iyo Taliyeyaal Ciidan.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker