Xukuumada Itoobiya oo wada Qorshe dib u dejin Loogu Samaynayo Dagaal Yahanadii Jabhaddii ONLF
Dawladda Itoobiya ayaa wadda qorshe ay askartii ONLF ku kala dooran siinayso in ay ciidammada ammaanka ka mid noqdaan ama dib u dajin loo sameeyo.
Arrinta dib u dajinta ayaana dareen ka dhalisay Jigjiga maalmihii la soo dhaafay, ka dib markii la saluugay sida loo maaraynayo, balse waxaa soo baxaya dad aan xil iyo xoolo ka doonaynin Dawladda Itooiya.
“Anigu askari baan ahaa xilliganna xiligii askarinimada loo baahnaa ma ahan, qorshaha jabhaddu qaadatayna wuxuu ahaa in askarta lagu daro kuwa deegaanka, aniguna asal ahaan askarnimada kama heli jirin hadafkaygu wuxuu ahaa in aan u shahiido qaddiyada ama aan dadkayga ka mid nodo, maka hadafkayga aan gaaro” ayuu yiri Maxamed Cabdi Mahdi oo ku magac dheer Dhicis.
“Waxaan go’aansaday in aan noloshaydadabarto waxbarashadaydiina dib ugu laabto” ayuu intaas ku sii daray Maxamed.
Si aan dib ugu milicsanno noloshii uu Dhicis ku jiray ka hor ku biiritaankiisii jabhadda ONLF waxay BBC-du la xiriirtay Khadar Cabdullaahi Badal oo sheegay in ay layaab la noqotay markii uu ogaaday in maxamed uu qori qaatay.
“Isku fasal ayaan ahaan jirnay Maxamed waxbarashada aad ayuu ugu fiicnaan kaalinta saddexaad kama uusan hoos mari jirin, inta badanna kaalinta koobaad ayuu gali jiray” ayuu intaas ku sii daray Khadar.
“Maxamed ayaa markii uu galay intixaanka qaran ee Fasalka tobnaad kaalinta koobaad ka galay Qabridahar oo dhan”
Markii uu dugsiga sare galay ee uu dhico fiican keenayna dawladda Itoobiya ayaa waxbarasho bilaash ah ka siisay jaamacadda Bahir Dar isaga oo culuunta injineernimada ka bartay sannadkii 2007, inkastoo uusan calfan oo uu “halgankii hubaysnaa” ku biiray sannadkii xigay.

Injineerkii mustaqbalka ifaya lahaa sidee ayuu ula qabsaday jabhadnimada?
“Waxyaabaha iigu darnaa waxay ahayd marka anoo cusub oon qureecan, isla markaasna aysan qado soo socon la dhaho waa kan cadawdgii aan is haynay” ayuu yiri Maxamed oo dib u celinaya sannaadkiisii u horreeyay ee jabhadnimada iyo 2008.
“Waan samray, waan la qabsaday run ahaantii waxaan gaarnay heer aan sida asxaabtii dhexda dhagax ku xiranno gaajo darteed” ayuu yiri Dhicis.
Inkastoo noloshaas adag uu soo maray haddana Dhicis wuxuu sheegay in uusan nolosha isu dhiibin isla markaasna uu afar xaas guursaday intii uu “halganka gobonimo doonka ah” ku jiray.
Maxamed wuxuu hadda dhalay toddobo carruur ah wuxuuna qorshaynayaa in uu dib boorka uga jafo waxbarashadii uu mar ku wanaagsanaan jiray isla markaasna xoogsado”.
Inkastoo Maxamed uusan gaarin wuxuu hiigsanayay haddana wuxuu sheegay in uusan marnaba ka tanaasulayn xaqa aayo ka tashiga, wuxuuna masuuliyiinta jabhadda ugu baaqay in ay arrintaas xoojiyaan ahmiyad waynna siiyaan.
“Jabhadda iyo dawladda waxaan ugu baaqayaa in ay il dabacsan ku fiiriyaan dadkii ku naafoobay dagaalkii ay jabhaddu ku jirtay, kuwa aniga ila midka ah ee lixaadkoodu u dhan yahayna waxaan ugu baaqayaa in ay si umadeed u fikiraan bulashadana hormuud u noqdaan, sidii ay shalayba noloshooda ay ugu hureen.” Ayuu yiri Maxamed Cabdi Mahdi oo BBC-da la hadlay.