Askari ka tirsan Milliteriga Itoobiya oo toogasho ku dilay afar qof halka tiro kalana uu dhaawacay

Sida ay BBC-da u sheegeen dad ku sugan magaalada Qabridahar askari ka tirsan ciidamada miltariga Itoobiya ayaa saaka ku dilay afar qof dhowr kalena ku dhawaacay magaaladaasi Qabridahar ee xarunta Gobolka Qorraxeey ee Dowladda Deegaanka Soomaalida

Dadka uu askarigu laayay ayaa kala ahaa saddex rag ah iyo qof dumar ah, waxaana ka mid ahaa gudoomiyaha xaafadda siddeedaad ee Maamulka magaalada Qabri Dahar.

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya sida uu u dhintay askariga dilka geystay iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in uu is dilay halka kuwa kalana ay sheegayaan in la dilay.

Ma jiro ilaa iyo hadda hadal ka soo baxay ciidamada militariga ee dalka balse waxaa dhawaan Tv-ga dowladda deegaanka ka hadlay Hoggaanka Nabadgalyada ee DDS Dayib Axmed Nuur oo sheegay in baadhayaal ka socda heer deegaan ay Qabridahar u direen si ay u baadhaan falkan ay ka argagaxeen shacabka deegaanka.

Ma aha markii ugu horreysay oo askari ka tirsan ciidamada amaanka ee dalka u xabad ku furo dad rayid gudaha deegaanka Soomaalida.

Dhamaadkii bishii Octoobar ee sanadkii tagay ayay ahayd markii askari ka mid ahaa ilaalada gagida diyaaradaha ee magaalada Jigjiga uu ku dilay xildhibaan Juweeriya Subcis.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker