Muqdisho: Dhalinyaro Gacmaha Laga Xidhay Kadibna Madaxa Laga-wada Toogtay
Wararkaย ย duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay fal toogasho ah uu ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha.
Dadka deegaanka ayaa kusoo waabariistay meydadka 4 dhalinyaro ahaa oo madax laga-wada toogtay, kadibna lasoo dhigayย xabaalahaย Shiiqaasha ee deegaankaasi.
Sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka waxaa dhalinyarada la dilay korkooda ka muuqaatay rasaas, iyada oo aan la ogeyn sababta loo dilay & cidda ka dambeysay.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhalinyaradaasi inta aan la dilin,ka hor laga xidhay gacmaha, kadibna sidaasi lagu dilay.
Ma jiro weli wax hadal oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammmaanka, balse waxaa goobta lagu arkay meydadka gaadhay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.