Madax ka socota Dawlada Iiraan Iyo Wadamada Reer Galbeedka Oo Maanta Ku Kulmaya Vienna
Diblomaasiyiin sarsare oo ka socda dalalka Britain, faransiiska, Jarmalka, Ruushaka iyo Shiinaha, ayaa magaalada Vienna ee Xarunta Dalka Austria kula kulmi doonaan dhigooda ka socda dalka Iiraan.
Diblomaasiyiintan ayaa maanta ka wada xaajoon doono sidii loo badbaadin lahaa heshiiskii nuclear-ka Iiraan ee sannadkii 2015-kii.
Xasaradda Gacanka ayaa cirka isku sii shareertay sannadkii la soo dhaafay, ka dib markii madaxweyne Donald Trump uu ka baxay heshiiskii taariikhi ahaa ee nuclear-ka Iran.
Heshiiska nuclear-ka ee Iran ayaa dunida jahwareer badan ka abuuray , Waxaana Tallaabo qaldan qaaday xukuumadda Washinton ka dib markay Cunaqabatayn Horleh kusoo Rogtay Dalka Iiraan .
Cunaqabatayntaasi oo uu Mareykanka uga gollahaa inuu ku wiiqo awoodda dhaqaale iyo dakhliga Iiraan .
Iran oo iyadana ka falcelisay cunaqabteenadaasi ayaa sare u qaadday uranium-keeda keydsan.
Waxaynay ku hanjabtay in ay qaadi doonto tallaabooyin dheeraad ah oo ay ku casriyeynayso nuclear-keeda,
waa haddii waddamada kale ee heshiiskaaskaasi saxiixay gaar ahaan dalalka Yurub ay iska dhaga tiraan oo ay gacan ka gaysan-waayaan cunaqabteenada Mareykanka uu ku soo rogay dalkooda.
Madaxa Midawga Yurub u qaabilsan siyaasadda dibedda ayaa Iiraan ugu baaqay in ay hakiso casriyeeynta nuclear-keeda.
Si kastaba ha Ahaatee xasaradda ayaa cirka isku sii shareertay ka dib markii ay dheceen,
dhacdooyin ay ka mid ahayd in Iran ay soo ridday diyaarad aan duuliya lahayn oo Mareykanka laga leeyahay taaso oo ay sheegtay in ay ku soo xadgudubtay hawadeeda isla markaana ay ahayd diyaaradaga wax basaasa oo dalkeeda Loosoo diray..
Dhacdadaasi ka dib, madaxweynaha Maraykanka ayaa amar ku bixiyay in weeraro dhanka cirka ah lagu qaado bartilmaameedyo ku yaala dalka Iran, balse go’aankaas si lama filaan ah ayuu uga laabtay markii ay diyaaradihii duqeynta fulin lahaa ay hawada gadheen, sidoo kalena maraakiibta ay isu diyaariyeen hawlgalka.
Dhamaadkii toddobadkii tagayna, Iiraan ayaa qabatay Markab uu ka dul babanayay calanka ingriirska kaas oo la sheegay in ay uga falcelinayeen Markab iran ay leedahay oo ay Britain xeebta Gibraltar ka qabatay iyadoona UK ku doodayay in markabka shidaalka looga shakiyay in uu baal maray cunaqabteenadii Midowga Yurub ee Iiraan.
Balse Su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah, maxaa isbedel ah oo uu soo kordhin karaa shirkan u dhexeeya dalalkii qeybta ka ahaa heshiiskii niyukleerka iran ee 2015-kii
Xigasho BBC