Somalida Kenya oo lagu amray inay bixiyaan magta dadka Shabaab ay dilaan

Hoggaamiyeyaasha Gobolka Soomaalida ee ay maamusho Kenya ayaa kulan laba maalmood ah oo ay kaga hadlayeen xagjirnimada iyo sida loo dhimi karo waxa ay ka soo saareen qodobo dhowr ah.

Shirkan oo ay ka qaybgaleen Maamullada Saddexda ah ee Gaarisa,Wajeer iyo Mandheera ayaa waxaa laga soo saaray qodobo dhowr ah oo lagu xaqiijin karo ammaanka saddexda Gobol oo ay Al-Shabaab weerarro ka geystaan.

Inta badan weerarradaas waxaa ku dhinta dadka aan u dhalan deegaanka oo ay beegsadaan Al-Shababa, waxaana ay dhowr jeer dowladda Kenya Ciidamo badan geysay gobolladaas iyada oo aanay waxba iska beddelin ilaa hadda.

Kulanka Hoggaamiyayaasha ayaa qodobada ka soo baxay waxaa ka mid ah in dadka aan Muslimka aheyn ee lagu dilo deegaankaas ay diyadooda bixiyaan dadka deegaanka.

Arrintaas ayuu Guddoomiyaha Mandheera Cali Roobow ku sheegay in ay hoos u dhigi karto xiriirka dadka deegaanka iyo Al-Shabaab.

Xubnaha ayaa isku raacay in qofkiiba laga bixiyo 1 Milyan oo lacagta Kenya ah, sidoo kale la sameeyo guddi isku dhaf ah oo dowladda kala shaqeeya xiriirka Bulshada, waxaan wasiirka amniga gudaha Fred Matiangi, la weydiistay in uu fasaxo in cafis loo fidiyo dadka ku jira Al-shabab ee doonaya in ay ka goostaan.

Waxaa kale oo la isku raacay in xogta ay bixiyaan dadka deegaanka ee la xiriirta Al-Shabaab aan la shaacin si aysan qatar u gelin nafta dadka la shaqeeya Hay’adaha amaanka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker