Xamaas oo sheegtay in Maraykanka iyo reer Galbeedka inay mas’uul ka yihiin ‘dagaalka ka dhanka ah rayidka’

Osama Xamdaan, oo ah sarkaal ka tirsan Xamaas, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Lubnaan ku sheegay in Mareykanka – iyo dhammaan dalalka reer galbeedka ee taageera Israa’iil – “ay si buuxda u qadanayaan mas’uuliyadda dagaalka ka dhanka ah dadka rayidka ah ee Gaza”.

Hadalka Xamdaan ayaa yimid kadib qaraxii ka dhacay isbitaalka Al Ahli ee Gaza. Xamaas – oo maamusha Marinka Qaza – ayaa qaraxa ku eedeeysay Israel.

IDF ayaa tan iyo markaas sheegtay in uu ka dhashay gantaal fashilmay oo ay soo rideen kooxda Islaamic Jihaad ee Falastiin, waxaana isa soo taraya gantaallada fashilmay ee Gaza laga soo ridayo.

Israel ayaa duqeymo dhanka cirka ah ka waday Gaza tan iyo markii Xamaas ay bilaabeen mowjado weeraro ah oo lagu hoobtay oo ay ku qaadeen Israel 7-dii October.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker