Qaar Ka Mid ah Xildhibaannada Waddani iyo UCID Oo Kulan Yeeshay
Xildhibaannada ka soo baxay Waddani iyo UCID, ee ka soo jeedda Beelaha Garxajis oo kulan la yeeshay saddexda Xubnaha Isbahaysigu u xuleen in ay noqdaan shirguddoonka Wakiillada Somaliland.
Xubnaha kulankan ka qayb galay ayaa ah 18 Xubnood, waxaana ka maqnaa 2 xubnood mid xanuunsanayey, halka mid kalena hawlo u gaar uu yeeshay uu ku maqnaa.
Waxa iyaguna aan kulan ka muuqan Xildhibaan Naasir Qodax iyo Jamaal Aadan Diiriye oo iyagu ka soo baxay UCID iyo Waddani oo u jan-jeedha dhinaca Kulmiye, kuwaas oo horena u shaaciyey in ay u tartamayaan Guddoomiye kuxigeenka Golaha Wakiillada.
Kulankan ayaa ahaa mid dhoola tus oo Xildhibaannada ku muujinayeen taageerada ay u hayaan xubnaha isbahaysigu u qorsheeyey Shirguddoonka Golaha Wakiillada.
Kulan ayaa sidoo kale ujeeddada laga leeyahay meesha lagaga saaro shaki la geliyo xubnahan la xidhiidhaa warar inta badan goobaha siyaasadda lagu falan-qeeya hadhaysa oo ah in xubnahan aan la hubin in ay u codaynayaan Xubnaha Shirguddoonka ee Isbahaysigu wato.