AQOONDARO WAA U NACAB DAD NOOL – WAA MADAXDA BOOLISKA WADOOYINKA SOMALILAND
Gaadiidku Wuxuu Ka mid yahay laf dhabarta dhaqaalaha ee wadan kasta inuu si wax soo Saar leh oo hadday shaqo tahay hadday isgaadhsiin badeecadeed tahay ,hadday bulsho gaadiid tahay ama (services) bixin tahay waa waxa nolosha wadan kastaa KU xidhan tahay markaa wada Marid in la kordhiyo mooyee wadan in la yareeyo oo la cunna qabateeyo wada maridda KU fikiraa ma jiro. Mar walba oo Shil baabuuro dhacaan Somaliland gudaheeda Waxaa madaxda police KU isla soo taagaan shaadhadaha hanjabaad aan wax Soo kordhin (improvement) wax Soo kordhin mushkiladii udambeeyeen KU jirin iyo cannaan darawalada KU waajahan intaasina mushkiladda isku dhaca baanuurta xawaaraha KU socota waxba Kama qaban karto. Madaxda booliisku itaalkooda way dadaalayaan laakiin waxba kama tari karaan mushkiladda taagan Somaliland ee soo noqnoqonaysa. Mushkiladda waxaa Ka masuula Xukuumadda oo Madaxweynuhu know Ka yey. Mushkiladdani waxay u baahan tahay miisaaniyad dawladeed oo BALLAADHAN oo wadada maridda Somaliland gobol kasta wax Ka qabad KU samaysa . Ta koobaad ugu yaraan in askar badan loo diro tababar oo weliba ardayda jaamacada kasoo baxday u badan oo cadaalad lagu Soo soocay reer walba IYO gobol walba lagu daray . Waa in madaxda booliiska iyana tabar la SIIYAA, wadooyinka waa in boodhadh iyo calaamado loo sameeyaa, xawaaraha SOMALILAND gaadhi kasta oo magaalada ama meel la deggan yey marayaa waa inuu KU SOCDAAN 30km/hour Ka magaalooyinla u Kala gooshaya waa In engine kasta lagu joojiyaha 70km/hour markuu cidlooyinka marayo oo wasaaradda gaadiidku gaadhi aanay jeegaray aanuu wado Marin gaadiidku hawshaa kharashkeeda bixiyaan. Miisaaniyad Xoog leh bay arintu u baahantay , madaxda booliisku Inay shacabka u hanjabaan waxaa Ka habboon oo Ka saxsan Inay Madaxweynha iyo Wasiirka Daakhiliga u hanjabaan WAAYO kuwa shaqadoodii Baal marsani waa iyaga, lacagta Malaaayiinka ah ee Madaxtooyaa lagu dhisanaya iyo FATOOKHA NOOCAAS AH WAA IN LA GELIYAA WADA MARIDDA IYO TABABARKA BOOLIISKA IYO CALAAMADAHA WADOOYINKA.