Haweenay Itoobiyaan Ah Oo Kasoo Dhacday Hotel Ku Yaala Magaaalada Garoowe

Dr. Naadiya oo ah haweeney u dhalatay dalka Itoobiya ayaa caawa ka soo dhacday dabaqa sare ee hotel City view oo ku yaalla magaalada Garoowe ee maamulka Puntland.

Haweeneydan oo dhaawacyo halis ah ay soo gaadheen ayaa loola cararay Isbitaal ku taalla magaalada Garowe oo haatan lagu dabiibayo

“Xaalad adag ayey ku sugan tahay haweeneydan balse waan dedaalaynaa” ayuu yidhi dhaqtar ka tirsan Isbitaalka Qaran oo lagula tacaalayo dhaawaca haweeneydan.

Wararka ayaa sheegaya in haweeneydan ay u dhaxdo dhakhtar Turki ah oo ay dhowaan kula aqal gashay Garoowe.

Weli lama oga in haweeneydan ay dabaqa iska soo tuurtaym laga soo tuuray amaba ay si si shil ah uga soo dhacday, waxaana socda baaritaan ay wadaan laamaha amaanka Puntland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker