Maraykanka Oo Askar Dheeri Ah U Diraya Bariga Dhexe
Kusimaha Wasiirka Gaashaandhiga Maraykanka Patrick Shanahan ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in ciidamo ka badan 1000 askari ay u dirayaan Bariga-Dhexe, si ciidamadaasi ay gacan usiiyaan askarta difaacda Saldhigyada Maraykanka uu ku leeyahay gobalka.
Go’aankan ayaa lagu soo beegay maalmo kadib markii uu Maraykanka ku eedeeyey Iiraan inay ka danbeysay Maraakiibtii lagu weeraray Gacanka Cumaan.
Maraykanka ayaa horey Maraakiib dagaal, diyaaradaha wax duqeeya iyo ciidamo u geeyey saldhigyada uu ku leeyahay dalalka Khaliijka bishii lasoo dhaafay.
Dowlada Iraan ayaa sheegtay in dhamaan dhaq dhaqaaqyada ka socda gobalka oo ay wadaan Maraykanka iyo xulafadiisa (Israel, Sacuudiga iyo Imaaraatiga) ay qeyb ka tahay qorshe balaadhan oo ay ku abaabulayaan dagaal lagu soo qaado wadankooda.