Dhaliilaha dul-hoganaya wasaarada X.xoolaha iyo Horumarinta Kaluumaysiga Ee Qaranku ilaaabay
Agaasimaha waaxda Caafimaadka wasaarada X. xoolaha iyohorumarinta kaluumaysigu waa masuulka keliya ee wasiirka iyo Agaasimaha guud ee wasaaradu wax ka weydiiyaan shaqada iyo hawlaha is dhex socda.o Masuulkani wuu gabay shaqadii uu hayay sidaan hore u sheegayna wuxuu ku sifoobay musuq sidan hoos ku qorano Waa masuulka Mashruuca talaalka iyo daweynta ee FAO shaqaalaha dhakhaatiirta ah ku marsiiyay lacag aan u qalmin shaqada ay qabtaan, isagoo wasiirka yimaadaba ka dhaadhiciya sida lacagaha looga garooocdo shaqaalaha dulmiga la daalaa dhacayao FAO mashruuca ay maalgeliso 60% waala lunsadaa dhaqaalihiisa, waxaana cadeyn ku filan, ma jirto meel ay saxeexaan marka lacagta la siinayo shaqaaluhu.o Waxa kale oo intaas u dheer wuxuu shaqaalaha dhakhaatiirta ah qaarkood kula heshiiyaa inay soo celiyaan lacag uu laaluush ahaan uga qaato, haday bixin waayaana dib danbe shaqo uguma diro, o Agaasime Ahmed haybe wuxuu shaqaalaha qaybo kamida ka dhigtay basaasiin u shaqaysa isaga kuwaas oo dadka kale qaniinsiiya.o Axmed haybe waa masuulka iska leh shirkad u diiwaan gashan ka ganacsiga dawada xoolaha waana shirkada samaysa risiidhada lacagta dawada lagagala baxo khasnada dawlada.Agaasimaha guud ee wasaaradu wuxuu ujoogaa musuq waana masuulka xigtaysi awgeed halka uuka gaadhay u dira shaqada daaweynta xoolaha dad aan aqoon u lahayn cilmiga veterinary balse aqoonta beeraha bartay.Hantidhowrka qaranka iyo gudida hantidhowrka ee golaha wakiilada waxaanu usoo jeedinaynaa inay baadhitaaan ku sameeyaan wasaaradan saaqiday ee gaafaadhi baabiiyay, Sidoo kale saxaafada madaxa banaan waxaanu ku dhaliilaynaa inaanay waxba kala soconin wasaaradan X.xoolaha ee masuul kastaa ka shaqaysto, midka soo mara ee xil kasoo qabtayna kama dhamaaado maadaaama ay ogyihiin dhaqaalaha bilaa buuqa ah ee dhexyaala xaruntan la ilaabay.Waxa kale oo aanu ka hablo ahaan diyaaar u nahay inaaanu macluumaad badan siino gudida dabagalka hantida qaranka ee golaha wakiilada.Qormada danbe waxaanu kusoo bandhigi doonaa musuqa, xigtaysiga iyo dhamaan ku tagri-falka awoodeed ee wasiir gaafaadhi.Lasoco qaybaha kale…W/Q Hablaha xaqooda la duudsiyay, U Halgamayaaasha cadaadalada iyo sinaanta