Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Oo Ka Hadlay Maalinta Cuntada Aduunka
Sanad walba maanta oo kale, 16 October waxaa dunida laga xusaa Maalinta Cuntada Aduunka, gaar ahaan maalintii la aas-aasay Barnaamijka Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay ee marka la soo gaabiyo la yidhaahdo FAO.
Munaasabadda sanadkan ayaa ku soo aaday iyadoo dunidu uu ka jiro xanuunkja COVID-19 iyo iyadoo ku dhawaad 30 kun oo ah qaxooti oo badankood ka barakacay deegaanada Jubbooyinka ay xaalad cunto yari ah ku haysato gudaha xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee Kenya.
Sidoo kale dalka Soomaliya raashinka dibedda laga keeno ayaa ka badan kan dalka laga beero.
Halkan hoose ka daawo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres oo ka hadlaya Maalinta Cuntada Aduunka.