Maxkamad go’aan ka gaartay in gogosha qasabka ah ee guurka kadib ay tahay Kufsi iyo inkale
Dalka Hindiya, bulsho ku abtirsata hab dhaqankii awoowayaashood, ayaa guurku waxa uu u yahay lama taabtaan mana aha dambi in ninku kufsado xaaskiisa.
Laakiin toddobaadyadii la soo dhaafay, maxkamaduhu waxay bixiyeen xukunno is -khilaafsan oo ku saabsan kufsiga guurka, taasoo horseedday baaqyo soo cusboonaaday oo ka yimid dadka u ololeeya inay dambi ka dhigaan kufsiga dhaca guurka dhexdiisa.
Khamiistii, garsoore NK Chandravanshi oo ka tirsan maxkamadda sare ee Chhattisgarh ayaa xukuntay in “galmo ama fal kasta oo galmo ah oo uu ninku la sameeyo xaaskiisa aan lagu tilmaami karin kufsi xitaa haddii ay tahay mid xoog ama ka soo horjeedda rabitaankeeda”.