Nin u dhashay Spain oo la xiray kadib markii uu fal fool xun kula kacay gabadh wariye ah
Booliska dalka Spain ayaa xabsiga u taxaabay nin looga shakisanyahay inuu faraxumeeyay gabar wariye ah iyadoo si toos ah ugu warrameysa telefishan.
Isa Balado ayaa ka xiligaas ka warameysay xatooyo Talaadadi ka dhacday magaalada Madrid markaas oo la arkay nin ka taabanaya qaarka dambe ee jirkeeda, eedeyntaas oo uu beeniyay.
Balado ayaa isku deyday inay warka sii wado, balse waxaa markiiba ka dhex galay barmaamij tebiyaha.
Booliska Spain ayaa markii dambe sheegay in nin loo xiay falkaas.