Jabhadda ONLF oo magaalada Jigjiga kaga dhawaaqday xisbi siyaasadeed

Jabhada ONLF ayaa maanta magaalada Jigjiga oo xarunta u ah is-maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya kaga dhawaaqay xisbi syasaadedeed.

Xoghayaha ONLF Cabadiraxmaan Maxamed Sheekh Mahdi ayaa sheegay in ONLF ay markii horeba xisbi syaasadeed aheyd hadana ay dib jabhada ugu dhigeen xisbi ka qeyb qaata doorashada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

“Dagaal baa nagula qaaday dalka waa nagala saaray hadase wax waliba way is bedeeen oo dalka waan ku soo laabanay waxaana isla garanay in aan ka wada shaqeyno hormarka dowlad deegaanka, waxaan noqonay xisbi siyaaadeed, waxaana ka qeyb geli doonaa doorashada ina soo aadan”. ayuu sheegay xoghayaha ONF.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker