Ammaanka goobta shirka isbadelka cimilada Afrika ee Nairobi oo la adkeyay

Kenya ayaa martigelinaysa shir madaxeedka cimilada Afrika, si looga tashado sidii qaaraddu ay u qaadi lahayd tallaabooyin wax looga qabanayo isbadelka cimilada.

Shir-madaxeedka, oo saaka ka furmay Nairobi isla markaana socon doono ilaa Arbacada, ayaa ujeeddadiisu tahay in la soo saaro qorshe guud oo lagula tacaalayo isbeddelka cimilada iyo soo jeedinta qaab-dhismeed maaliyadeed oo caalami ah oo cusub kaas oo ay mas’uuliyiintu rajeynayaan inuu u horseedo horumar iyo ka dhabeynta wax ka qabashada isbadelka cimilada

Waxaa la adkeeyay ammaanka agagaarka xaruunta shirarka KICC ee magaalada Nairobi, iyadoo la xiray waddooyinka gala dhismahaas oo ah halka uu ka dhacayo shirku.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker