Dabley Hubaysan Oo Dil U Gaysatay Lammaane is qaba Magaalada Laascaanood
Dabley hubaysan ayaa dil u gaystay lammaane is qaba xaafada farxaskule xili ay kusii socdeen gurigooda.
Lama oga cida dilka gaysatay balse waa markii labaad bil gudaheed oo dil noocan oo kale ah oo aan la garanayn cidii gaysatay uu ka dhacay Laascaanood.
Wararka ayaa sheegaya in qoyskan ay aqal gali lahaayeen maalmaha soo socda.
Alle ha unaxariisto qoyskaas gacanta ka xaqdaran ay dishay.
Mukhtaar Cabdi Jaamac