Madaxweynha Taiwan oo booqaneysa Eswatini
Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen ayaa bisha soo socota booqan doonta Eswatini, oo ah saaxiibka kaliya ee Afrika, iyada oo doonaysa in ay sii xoojiso xiriirka labada dal.
Waxay ka qayb gali doontaa dabaaldegyo lagu xusayo maalinta xorriyadda dalka iyo maalinta dhalashada Boqor Mswati III inta lagu guda jiro booqashada.
Taiwan waxa uu Shiinuhu ku andacoonayaa in uu yahay dhul ay iyadu leedahay oo aan xaq u lahayn xidhiidh dawladeed.
Taiwan waxay xiriir rasmi ah la leedahay 13 wadan oo kaliya oo ay ku jirto Eswatini.
Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Taiwan Roy Lee ayaa laga soo xigtay in socdaalka madaxweynaha Taiwan uusan ahayn mid ay kula tartamayso madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping oo booqasho ku tagay dalka ay deriska yihiin ee Koonfur Afrika toddobaadkan.