Ciidamada Ukraine oo hawlgal gaar ah ka fuliyay Crimea oo la haysto
Ciidamada Ukraine ayaa howlgal lagu guuleystay maanta ka sameeyay Crimea, sida lagu sheegay barta Telegram-ka ee agaasinka sirdoonka Kyiv.
“Howlgalka gaarka ah” ayaa waxaa garab socday ciidamada badda ee Ukraine.
Ciidamada Ukraine ayaa la sheegay in wax khasaare ah uusan soo gaarin.
Crimea waxaa haystay ciidamada Ruushka tan iyo 2014-kii.