Magtii Askartii lagu Dilay Buurta Gacan libaax oo maanta lakala Qaatay

waxaa saaka kulan Ballaadhani ka qabsoomay Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL, taasoo lagu dhameeyey Magtii iyo Dhaawacyadii ay sababtay dhibaatadii Buurta Gacan Libaax, kulankan uu shirgudoominayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, waxaa ka soo qaybgalay madax dhaqameedka, Culimaa’udiinka, Taliska Ciidanka Booliska iyo Eheladii askartii dhimatay iyo kuwii ku dhaawacmay Gacan Libaax.
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ay wehelinayaan Guddida iyo Madax dhaqameedka Bariga Burco, ayaa gudoonsiiyey Ehelada marxuumtiinta Magtii oo dhamaystiran, halkii dhaawicina la siiyey Badhi-gooyo, kulankan ayaa ku soo dhamaaday si wanaag.
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed iyo qaar ka mid ah madax dhaqameedka ayaa soo jeediyey hadalo dardaaran ah oo lagu dhiiri-gelinayo Nabadgalyada Dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker