Nin xaaskisa dilay oo xabsi daain lagu xukumay
Nin dilay xaaskiisa oo macalin ahayd iyadoo wiil ay dhaleen uu qeybta kore ee guriga jiifay ayaa lagu xukumay xabsi daa’in.
Conrad Iyayi ayaa horay u qirtay dilka Kathryn Harris, oo 52 jir ah
46-jirkan ayaa Ms Harris toddobo jeer xabadka xabad kaga dhuftay gurigooda dhexdiisa oo ku yaalla Oak Crescent, Littleover, Derby ee dalka UK, saacadihii hore ee 6-dii Febraayo ee sannadkii hore.