Degdeg: Dab Kaqarxay Kaymaha Buuraleyda Woqooyi-bari Ceerigaabo

Dab xooggan ayaa gelinkii danbe maanta wuxu kaqarxay mid kamid ah degaannada ugu kaymaha badan calaha waqooyi-bari kaga beegan degmada Ceerigaabo.

Degaankan dabku kaqarxay oo lagu magcaabo dhadhab jahaad oo ah dhulka looyaqaan qoolka ama gurada casha ayaa waxa holociisa laga arkaa degaannada gubanka iyo xeebaha sida ay iisoo sheegeen qaar kamid ah bulshada degaannadaas kusugan.
“Annagu waxannu joognaa gubanka Gambadhe dabkuna halka uu kaqarxay waa Dijil hoosteeda marka casha loosoo dego oo layidhaahdo Dhadhab jahaad annagana aad nooga durugsan balse halkaasuu kaahiisu nooga muuqamayaa”.
“Meeshu waddo loomarona malaha waana meelaha ugu dhirta badan weliba haddii fooruhu caawa kusoo dhacona wuusii kordhi karaa waxadna dhibaato weyni inay noolaha iyo degaankaba dabkaas kasoo gaadhayso”.
Sidaas waxa soo sheegaya qaar kamid ah bulshada kusugan degaannada dabkaas laga arkayo.
Dhinaca kalena waxa xusid mudan in had iyo jeer aafooyinka dabiiciga ah ee degaannada noocan oo kale ah kadhaca ay yihiin kuwo marka ay dhacayaanna aan waxba laga qaban karin marka danbena wixii saamayn ay kaga tageen bulshada iyo noolaha kale iyo degaanka toonna aan cidina wax dhaymo ama cawil-celin ah kasiin.

Oodweynenews/Ceerigaabo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker